daarasho-somaliland

Tuuggii Wasiirka Maaliyada Noqday (SHEEKO XIISO BADAN).

download (7)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa  jiri jiray sida sheekooyinka caanka ah lagu hayo,  Tuug caan ahaa oo magaalo dhan hilfaha u qaaday, balse la sheegay tuugaasi inuu ahaa Tuug daacad ah.

Maalin maalmaha ka mida tuugii wuxuu go’aansaday inuu la kulmo halgamaa caan ah oo la yiraahdo Mahatma.

Mahatma ayaa Tuugii ku yiri, hal arrin ma kaa codsan karaa? Tuugii wuxuu ku jawaabay. ‘’ Haa mudane’. Wuxuu ku yiri, ‘Waxaan kaa codsanayaa waligaa inaadan been sheegin, hadaad rabtid tuugaaga ahow’. Tuuggii balantaasi wuu aqbalay. Hadalna kuma soo celin.

Tuugii daacada ahaa wuxuu yeeshay 4 nin oo ay xulufo ku noqdaan inay wax isla xadaan, waxay u dhici jireen guryaha waaweyn, bangiyada iyo wax kastoo dayacan.

Xulufada uu samaystay waxay ogaadeen in ninkani uusan been sheegin uu daacad yahay, balse waxay ku qanacsanaayeen inuusan sirtooda kashifi jirin.

Habeen habeenada ka mida tuugadii waxay dajiyeen qorshe ay ku doonayaan inay u dhacaan qasri weyn oo uu daganaa boqor saaxiib dhaw la ahaa Mahatma isla markaana ay qasnadiisa kala soo baxaan 6 kiiloo oo dahab ah ugu yaraan.

Boqorka loo tashanaayo wuxuu ahaa boqor qalbi wanaagsan oo inta badan shacabka u xukuma si cadaalada, isagoo aan la fahmeynina soo dhex gali jiray Shacabka, xantiisa ayuu magaalada kala socon jiray.

Boqorkii isagoo markaasi qasrigiisa ka soo baxay ayaa waxay iska hor yimaadeen 5-tii nin ee tuugada ahaa oo u soo socday inay qasrigiisa u dhacaan oo dahabka qasnada uga buuxa la soo baxaan.

Ragii ayuu ku yiri, ‘ War haye maxaad aheeydeen adinku? Tuugii daacada ahaa ayaa soo booday; Wuxuu ku yiri, ‘Waxaa nahay tuugadii magaalada’.

Boqorkii intuu yaabay ayuu sii weydiiyay, haye xageed u socotaan?
Tuugii daacada ahaa ayaa mar kale ku yiri, ‘Waxaan doonaynaa inaan soo xadno qasnada dahabka ee boqorku leeyahay’.

Tuugadu qofka ay la hadlayaan inuu boqorka qudhiisa yahay ma fahansana xitaa ilaalada albaabku ma yaqaanaan.

Boqorkii isagoo yaaban oo dareemay in ragani uu ku jiro tuugan daacada ah ayaa ku yiri, ‘ Bal ina keena aniga xitaa waqtigaan laga bilaabo adinkaa idinka tirsanahaye.
Lixdooda oo wada socda ayaa waxay yimaadeen albaabkii qasriga oo ilaalo badan ay joogaan, ilaaladii waxay joojiyeen ragii. Waxay ku yidhaahdeen maxaad tihiin?

Tuugii daacada ahaa yiri, ‘Waxaa nahay Tuugada magaalada’. Ninkii ilaalada ahaa waa aamini waayay, wuxuu niyada iska yiri, malaha waa madaxdii meesha oo kula kaftamaasa.

Haye xagee u socotaan buu hadana waydiiyay? Wuxuu ugu jawaabay, ‘ Waxaan doonaynaa inaan qasnada boqorka dahab kala soo baxno. Wuxuu u sii raaciyay indho adeygiisa furaha qasnada keen aan kala soo baxno dahabkaas.

Waardiyhii oo yaaban wuxuu farta ka saaray tuugii daacada ahaa oo uu la socdo boqorka qasnadiisa loo socdo!!!!!!!!!!!!!!!.

Markii qasanada ay furteen waxay kala bexeen dahabkii, qaar ka mida ragii tuugada ahaa ayaa yiri, war maad noo badisaan. Balse tuugii daacada ahaa ayaa yiri, maya ma dhacayso 6 kiloo oo kaliya ayaan ku soo tashanay ka badan maya lix tuugna waa nahay.

Intuu lixdii kiiloo soo bixiyay ayuu furihii waardiyaha u soo celiyay.

Boqorkii oo ay tuug ka dhigeen ayay hal kiilo siiyeen,  boqorkii  markuu ka soo tagay tuugadii ayuu iska seexday.

Waardiyihii oo raba inuu xaqiijiyo ragii u yimid inay wasiiro ahaayeen iyo in kale, wuxuu ogaaday inaysan wasiiro aheyn balse arrinta wuxuu gaarsiiyay boqorkii.

Boqorkii oo shaki ka qabi jiray wasiirkiisa maaliyada, wuxuu u xilsaaray inuu soo ogaado tirada dahabka ay kala bexeen tuugada meesha, Wasiirkii wuxuu sheegay in 2 kiloo oo kaliya ay ku jirto meesha oo tuugadu ay qaateen 10 kiiloo oo  dahab ah.

Boqorkii wuxuu wasiirka siiyay fursad uu ku soo baadho ragii wax dhacay waana la soo qabtay tuugadii.

Tuugadii markii la keenay ayaa la waydiiyay inta kiloo ay qaateen, tuugii daacada ahaa ayaa ku adkaystay inay 6 kiiloo oo kaliya ay qaateen beena aysan sheegaynin arrintaasna boqorka waa dareensan yahay, wixii qasnada ku jirayna waa ogaa Balse, wasiirkii wuxuu ku adkaystay inay 10 kiilo qaateen.

Boqorkii ayaa ilaaladiisa ku amray in wasiirka gurigiisa la tago oo 4-ta kiiloo ee maqan laga soo saaro, waa laga soo helay.

Boqorkii isla markiiba wuxuu amray in wasiirka jeelka la dhigo uuna yahay tuuga dhabta ah, isla waqtigaasna wuxuu wasiirka maaliyada u magacaabay Tuugii daacada ahaa.

Dulucda sheekada: khiyaamadu beenta way ka daran tahay iyo  tuuganimada.


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...