daarasho-somaliland

Baskii 53 iyo Baskii 35(Sheeko Cajiib Ah Oo Qosol Badan)

images (2)

 

 

 

 

 

 


Waa qiso dhab ah oo ka dhacday Dalka Yeman.
Sheekadan waxaa ka sheekeynaya bukaan ka mid ah bukaanno farabadan oo Dhakhtarka  ku jira . Wuxuu ku bilaabay sheekadiisa maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa Dhakhtarkii  aan ku jiray  la keenay nin aad u cabaadaya kaasoo cabaadka ka baxaya bukaan kasta oo cisbitalka jiifa is yidhi adiga xanuunka ku haya waxba maaha.
Ninkaasi cabaadaya waxaa la seexiyay qol aniga iga soo horjeeda.

Waxaa la gaadhay xilliga booqashada ehelada loo ogol yahay inay soo booqdaan bukaanadooda meesha kaga jira.
Laakiin waxaa la yaabay!!! ninkan dadka soo booqanaaya oo ah eheladiisa iyo asxaabtiisa qof kasta markuu qolka ka soo baxaayo wuxuu soo baxayaa isagoo qoslaya qosol xad dhaaf ah oo adiguna aad kusii darayso mid kale.
Anigu waan is ciilay la yaab ayay igu noqotay, waxaan is weydiiyay naxariis darrada dadka ka muuqata ee soo booqanaya bukaanka xanuunka haya dartiis la cabaadaya & sida qof walba isagoo qoslaaya oo qosol  beerku la cadaaday uga soo baxayo bukaanka.
Markay xiligii booqashadu dhamaatay ayaa waxaan u tagay ninkii bukaanka ahaa , markii aan sidaa ugu soo galay ayaa isagoo cabaadaaya waxa uu igu yidhi, “Adigana ma waxaad iigu timid inaad iga maadsato”.
Intaan xoogaa aamusay  ayaan ku idhi maya walaal, laakiin anigu waxaan ahay bukaan waxaanan ku jiraa qolka kaa soo hor jeeda, waxaanan kuugu imid inaan xaalkaaga ogaado anoo ka xun dadka maantoo dhan kugu qoslaayay. Balse walaal waxaad ii sheegtaa sababta dadkan oo dhan iyagoo qoslaya ay albaabka uga soo baxaayeen.
Ninkii waxa uu ka sheekeeyay  sababta loogu qoslaayay, wuxuuna yiri, “ Ninyahow hadii aan sheekada kuu sheego anigu waxaan daganahay guri dabaq ah, habeenkii markaan seexanaayo daaqadaha ma xidho guriga, waxaa igu dhacay waan riyooday, waxaana ku riyooday iyadoo aan aakhiro joogno oo  dadka loo kala saaraayo ahlu jano iyo ahlu naar.
Waxaa meesha taagan basas fara badan oo ay ku qoran yihiin numbers kala duwan, marka dadkii waa la xaadirinayaa , qofkastana magiciisa ayaa la sheegayaa ,  qofkii ahlu jano noqdo waxaa la leeyahay waxaa raacdaa baska hebel.
Baska naarta 100 km & baska janada 50km.
Magaceygii ayaa la soo gaadhay  waxaa la igu yidhi waxaad tahay ahlu janno waxaad raacdaa baska 53.
Aniga oy  farxadu iga farabadatay  waxaa doondoonay baskii 53-aad ee aan ku qornaa, markan helay dalaq ayaan soo idhi.

Markii xoogaa uu sii socdo waxaan aragnaa boodhadh ay ku qoran tahay Janadii waxaa idinka hadhay 20-km , kadib waan sii soconay aniga hurdaa ila yara tagtay waxaanse  mar qudha ku soo baraarugay oo indhaheygu qabteen km-ka inoo hadhay, waxaana ku qornaa naartu waxaa idin ka hadhay 40 km. Anigii waa naxay, dadkii ila saarnaa ayaan weydiiyay war baskan xagee buu u socdaa? Naarta, ayaa la iigu jawaabay .

Mar labaad ayaan waydiiyay Nambarka baska aan saaranahay waxaa la ii sheegay 35 inuu yahay , illeen farxadii ayaa iga fara badatay oo nambaradii basaska ayaan isku khalday anigoo soo raacay baskii ahlu naarka; talaa igu cadaatay .

War anigu ahlu janaan ahay waan soo khaldamay , waaba la igu qoslay kkkkkkkk,wixii baska saarnaa oo dhani anay igu maad sadeen.

Aadbaan u naxay darawalkii ayaan ku idhi ii jooji ,waxaa  uu ii sheegay basku inuu meel qudha istaagayo waana naarta, bidixdaan eegay waxaa iga fadhiya shaydaan , baskii oo dhan anaa lagu wada qoslayaa oo la igu maadsanaya, Anigoo waxaa sameeyo garan  la’ oo baskii ku sii dhawaanaayo Naarta, ayaan mar qudha harraanti u qaaday Albaabkii baska oo aan iska tuuray, balse waxaan ka war helay anigoo cisbitaalkaan jiifa.

riyaadii  ayaa run u noqotoo daaqadii dabaqa ayuu ka soo dhacay wuuna jajab……


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...