daarasho-somaliland

Islaan Ibliis Qaruurad Ku Ridday(Sheeko Xiiso Badan).

images

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Islaan  ayaa wakhti wakhtiyada ka mid ah la tartantay Ibliis,  Islaantu  waxay la fadhiday nin dawaarle ah markaasuu ku yidhi maad igula tartamaysaa inaan ninkan dawaar laha ah waswaasinno isla markaana aan ka dhigno qof murugaysan , way aqbashay tartankii laakiin waxay ku tidhi oo waayahaye maxaan helayaa haddan kaa guulaysto, waxaa lagu heshiiyay qofkii adkaada qofka kale haku rido qaruurad, waa la isku waafaqay oo lagu heshiiyay .

Ibliis ayaa u tagay ninkii wuu waswaasiyay , laakiin ninkii dhag  jalaq umuu siin waxa uu dareemay inaanuu karayn isagoo niyad jabsan ayuu u tagay islaantii kadib waxay ogaatay inuu soo guul daraystay , waxayna ku tidhi hada waa markaygii ee bal adigu daawo sidaan wax yeelayo.

Waxay u tagtay ninkii dawaarlaha ahaa waxay ku tidhi waxaan doonayaa inaad ii samayso Masaryar oo aad u qurux badan si aan ugu geeyo gabadh ay wiilkayga is jecelyihiin .

Dawaarlihii waxa uu u diyaariyay masar aad u qurux badan oo xariir uu ka sameeyay , kadib waxay isla markiiba toos u abaartay gurigii uu daganaa dawaar luhu, gurigii ayay u garaacday waa laga furay waxay ka codsatay in la siiyo meel ay ku tukato isla markiiba waxaa la siiyay meel ay ku tukato , markay salaaddii tukatay ayay tidhi hooyo galaas biyaa ee keen , kadib intii biyaha loogu maqnaa ayay masarkii galisay meel guriga ka mid ah isla markaana ay islahayd kolay meeshay dawaar luhu wuu ka arki karaa , kadib gurigii way iskaga soo baxday.

Dawaar lihii sidii caadada u ahayd gurigiisii ayuu dib ugu soo noqday markii gurigiisii kusoo noqday ayuu arkay masarkii uu u sameeyay islaantii , isla markiiba isagoon labalabayn ayuu xaaskiisa furay.

Ibliis arrinkii ayuu aad ugu farxay , waxay ku dhidi hadana ma ku tusaa inaan dawaarlaha naagtiisa ilbidhiqsi ugu soo celiyo ;isagoo yaaban ayuu ku yidhi bal u tus waa arrin xiise leh, waxay u tagtay dawaarlihii markaasay ku tidhi ;ma isiin kartaa oo ma ii samayn kartaa masar , tii aan shalay kaa sameeyay guri gabadh wanaagsani joogtaan kusoo illoobay oo aan salaad ku tukanayay kama soo celin karo oo gabadhu si wanaagsan ayay iisoo dhawaysay, isla markiiba wuu farxay isagoon waxba u samayn ayuu cararay si uu xaaskiisii usoo celiyo, maxaayeelay aadbuu u jeclaa.

Ibliis Sharadkii waa laga helay ;sidaa daraadeed waxaa lagu riday Qaruurad.


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...