daarasho-somaliland

Akhriso: Sheekada Qufulka iyo Miftaaxa.

sheekadii qufulka iyo Miftaaxa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa sheeko xiiso badan oo tusaale u ah xaalka maanta gabooyuhu ku sugan yahay .

Waxaa la sheegaa nin ayaa maalin kasoo baxay gurigiisa si uu beertiisa uga shaqeeyo sidii caadada u ahayd, xaaskiisa ayuu sii macasalaameeyay iyo caruurtiisii waxaanuu guriga kasoo baxay isagoo Faashkiisii wata .

Ninkii looga  bartay inuu gurigiisa kusoo noqdo marka ay cadceedu godkeeda sii galayso ayaa soo noqon waayay , maalintii labaad sidoo kale …, maalintii sadexaad sidaas oo kale…, dadkii magaaladu  meelkasta ayay ka raadiyeen laakiin way waayeen oo waa laga quustay meel uu jaan iyo cirirb dhigay cidi way garan wayday .

20sanno kadib ayaa xaaskii uu qabay waxay maqashay albaabka guriga oo lasoo garaacayo , laakiin garaacani waxa uu kaga duwanaa kii caadiga ahaa inuu u egyahay kii ninkeeda oo kale way soo carartay albaabkii ayay furtay , waxay aragtay oday laakiin indhihiisii ayay garatay , odaygeedii ka maqnaa Muddo labaatan sanno ahaa ayaa guriga dib ugu soo noqday.

Ninkii gurigiisa ka maqnaa moddo dheer ayaa dib ugu soo noqday isagoo daallan ayuu isku tuuray kursigii ugu dhawaa , wey soo ag fadhiisatay , dhagtiisa ayay waxay ku waydiisay Su’aal ahayd xaggeed ku sugnayd mudadaas dheer?

Idhuhuu ka ilmeeyay , kadib ayaa waxa uu meeshii ka bilaabay sheeko dheer:

“waad xasuusataa maalintii aan guriga ka baxay anigoo u socda beertii sidii caadad ii ahayd maalin kasta…Maalintaa waxaan arkay nin wadada taagan una ekaa qof wax raadinayay oo kale ama qof sugaya , marka uu i arkay ayuu iisoo dhawaaday , kadib dhagta ayuu wax iigu sheegay , waxaan ku idhi :Maxaad tidhi?oo waxaan garan waayay wixii uu dhagta iigu sheegay waxay ahaayeen , aadbuu u qoslay waxaa indhihiisa iiga muuqday shar fara badan , kadib ayuu igu yiri: waxaan  dhagtaada ku akhriyay waxa uu ahaa sixir, waxaanan sixirka gaarsiiyay gudaha naftaada , adiguna maanta waxaad ii tahay addoon intaad nooshahay oo dhanna anaa ku leh, haddii aad amarkayga qaadan weydo waxaad ogaataa in jin ku qaadanayo kuna dafi doono Jidhkaagana cadcad loo googooynayo doono badda gudaheedana lagugu tuuri doono , meeshaas oo ay naftaadu ku xayir naan doonto inta boqorka Jinku uu kursigiisa ku fadhiyo Boqortooyadana uu maamulayo.

Kadib ninkii waxaan u raacay waddankiisii oo aad u fogaa , anigoo u adeegaya maalintii habeenkiina Ilaalinaya …markii aan gaarnay wadankiisii , waxaan tagnay gurigiisa oo  u ekaa qabri ,waxaan arkay rag fara badan oo aniga ila mid ah , qof kastana waxa qoorta uga xidhnaa Suun bir ah oo fura wata, marka habeenkii la gaadho qof walbaaba waxa uu galaa xabsigiisa qufulka iyuuna isku xidhaa  oo isagaa gacantiisa isku qufula kadibna wuu seexdaa , sida ay sameeyaan ayuunbaan aniguna sameeyaa , markay dadku seexdaan ayaan aniga hurdo iga iman weydaa , waxaan soo xasuustaa wajigaagii quruxda badnaa kadibna waan ooyaa ,  waxaa kaliya oo inoo dhexeeyay waxa uu ahaa inaan furaha iskaga furo qufulka kadibna aan dhankiina usoo dhaaqo oo aan idin soo gaadho.

Ninkaas waxaan ka arkay dulmi waxaanan waligay ku riyoon ama aan maskaxdayda kusoo dhicin , naxariis ma yaqaanno, dan kama laha dadkaa dhibaatoonaya ee ehelkoodu wada raadinayo , inbadan ayaan arkay rag anigoo kale ah oo ooyaya sidii ciyaal oo kale, iyagoo ka codsanaya inuu sixirka ka furo si ay noloshoodii caadiga ahayd u soo ceshadaan , waxaa uu ugu dhaaran jiray inaanuu garaneyn sixirkaa sida looga furto oo looga samata baxo , waxaanuu dhihi jiray qofina kama badbaadayo illaa inuu dhinto mooyaane isagoo si wanaagsan aan raalli uga ahay .

Ninkii wuu odoyoobay , markii uu xanuun saday geeridiina ay soo dhawaatay oo aan arkay , ayaan ku idhi hadda waad dhimaneysaa , sida looga samata bixi karo sixirkan aad nagu xidhayna ma garanayno , bal wax noo sheeg aan kaga samata baxno .

Qosol ayuu qoslay u eg kii maalintaa ugu horeysay ee aanuu kulanay oo kale ah , kadib ayuu igu yidhi: Doqonow anigu sixir waxba kama garanayo , waxaan dhagtaada ku akhriyayna waxay ahayd been aan anigu alifay , laakiin naftaada jilicsan ayaa aniga addoon iiga kaa dhigtay , geerida aad ka baqanayso iyo naftaada oo aad xabsi  u diidaysay ayaa kugu xidhay xadhiga addoonimada oo adigaaba gacmahaaga isku xidhaya, habeenkii ooyintiina aadbaan u dhagaysan jiray , waxaanse iga yaabin jirtay sida aad u tihiin dad daciif ah , caqli yar , xeelad ay ku samata baxaanna aan lahayn.

Meeshii aan ku xidhnaa ayaan dib ugu cararay waxaan soo qaatay faashkeygii ninkii ayaan dib ugu soo noqday si aan u dilo waxaan arkay inuu geeriyooday , kadib raggii kale ayaan u sheegay sida uu xaalku yahay , ninkii maydkiisa ayay cadcad u jarjareen kadibna way gubeen..

Kadib oradkii aan meesha kasoo qaaday ayaan  idinku soo galay anigoo ka walwalsan xaalkiina iyo waxaad ku sugan tihiin, waliba anigoo aad idinku xiisa qaba.

Guddoomiye Cadnaan.

 


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...