daarasho-somaliland

Qofka Bakhayla wax yar waxbadan inuu bixiyo Lagama filayo.

juxasheeko ku saabsan Juxa iyo Taajir.

Juxa ayaa waxay caado u ahayd inuu Illaahay baryo salaad kasta ka dib , waxaana ducadiisa kamid ahayd Illahayow 1000-dirham oo dahab ah isii, iyo inaanuu qadaneyn haddii lacagtaasi noqoto 999-Dirham .
juxa waxaa daris la ahaa oday taajir ah oo markasta ducada juxa maqli jiray , waxa uu odaygaasi go’aan saday inuu bal imtixaano Juxa Ducadiisa ma runbaa mise? Waxa uu soo qaaday 999-dirham , waxaanuu soo dhigay kiish ayar markii lagaadhay wakhtigii casrka , xilli uu juxo Illahay baryayay uuna ku jiray wakhtigii ducada , Juxa waxaa usoo dhacay kiishkii ay lacagtu ku jirtay , ninkii odayga ahaana waa uu dhuuntay , isagoo fiiro gaar ah u leh isla markaana eegaya bal sida uu wax yeeli doono Juxa.
Juxa aad ayuu u farxay , farxad aan la qiyaasi karin , Illahay ayuu u sujuuday , kadib waxa uu guda galay inuu lacagtii tiriyo , waxa uu arkay in dirham maqan yahay , wax dana kamuu galin , waxaanuu yiri: Allihii intan Isiiyay igama bakhaylayo 1-dirham qudha oo wuu isiinayaa , kadibna lacagtiisii ayuu iska xareystay , lacagtuna waxay ahayd lacag aad u farabadan uguna filnayd taajirnimo .
Ninkii taajirka ahaa ayaa usoo cararay Juxa kadibna ku yidhi  intuu qoslay :”dahabkayga iisoo celi , waxaan doonayay inaan ku imtixaano oo kaliya , waxaanan ogaaday inaadan ku koobnaanay wixii aad codsatay , waxaad ballan qaaday inaadan qaadanayn haddii lacagtu noqoto 999-dirham, balankii waad ka baxday oo waad xareystay , dantii aan imtixaankaaga ka lahaa waan ka gaadhay .
Juxa oo la yaabban ayaa waxa uu ku yidhi:”Dahabkeed ka sheekaynaysaa !!!!, oo waligay miyaad wax isiiyay ?
Taajirkii: Juxow dahabkan anaa iska leh , ee mid samada kaaga soo dhacay maaha.
Juxaa : Ninyahow waxaad ku dhawdahay waalli , sheekadaa raqiiska ahna cidi kaa akhrisan mayso , yaa lacagta intaa le’eg ciyaar  ku bixinaya? Illahay ayaan baryay ducadeydaanna ku helay !
-Inbadan ayaa doodu socotay , iyadoo juxa wax jixinjix ah aanuu muujinayn , ayaa ugu dambayntii ninkii taajirka ahaa waxa uu keenay fikrad ahayd : waxaan doodeena kusoo af jari karnaa maxkamadda , ina keen aan qaadiga u wada tagnee.
Juxaa : Anigu ma awoodo inaan maxkamadda aado , maxaayeelay? qaadigu meel fog ayuu dagan yahay , jawiguna waa qabow dhar igu filan oo aan dhaxantaa iskaga celiyana ma haysto.
Taajirkii : Anigaa kusiinaya Baqashayda iyo Cumaamadayda, jaakadda  intaba, , anaana u dulqaadnaya qabowga iyo socodka dheer ee mar un nagee maxkamadda.
-ninkii taajirka ahaa lugihiisa ayuu ku socday isagoo dharkii dhaxantana uu wato juxa, maxkamaddii ayaa la gaadhay , taajirkii ayaa bilaabay hadalkiisa waxa uu goobtii maxkamadda ka sheegay doodiisii , kadib juxaa hadalkii lagu wareejiyay.
Juxa: qaaddi bal ninkaa ganacsadaha ah weydii tolow wax shilin ah waligay ma isiiyay , wax yarba ha noqotee? Illahay ayaan dahab ka codsaday isagoo awoodiisu ay badan tahay wax kastana ii awooda inuu isiiyo , kadibna ducadaydii ayaa Illahay aqbalay , ninkani waxa uu ku dacwoonayo waxba kama jiraan.
waxanan uu sheeganayaa waa khiyaano uu doonayo in hantidan Illahay isiiyay igala wareego , haddii uu doono xitaa waxa uu sheeganayaa baqashayda banaanka taagan anaa iska leh ayuu leeyahay .
-Ninkii taajirka ahaa ayaa ishayn kari waayay markaas ayuu ka baqay inuu lacagta iyo baqasha isku darsado “oo ma waxaad inkiraysaa baqashayda aan kugu keenay Maxkamadda!.
Juxa: Qaadi ma maqshay waxa uu sheegayo waaba dacwad cusub hadana!, waxaan ka baqayaa inuu sheegto dharkan aan xiranahay inuu isagu leeyahay  ?!
Ninkii taajirka ahaa aadbuu iskugu dhexyaacay  oo miyaanan lahayn dharkan aad wadato oo aanan dhaxanta kaaga soo xidhin.
Dacawadii Juxaa ku guulaystay oo loo xukumay  , markii laga soo dareeray  maxkamadda ayaa juxa ninkii lacagtii u tuuray oo uu ku yidhi: Marna ha dhexgalin Illahay iyo addoomadiisa.

 


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...