daarasho-somaliland

5 Qodob Oo ay Iska Shabahaan Labada Naadi ee Atletico Madrid & Leicester City

Xilligii mucjisooyinku kubadda cagta wuu ka dhamaaday oo muddo dheer ayaa ugu dambeysay, laakiin waxyaabaha ka dhacaya Kubadda cagta mararka qaar waxay xaqiijinayaan inaan wali xilligii mucjisooyinku ka dhamaan kubadda cagta, waxaana taa daliil cad u ah labada naadi ee Atletico Madrid iyo Leiceter City xilli ciyaareedkan.

Leiceter waa mucjiso dhab ah markaad dhan kasta ka eegto, waxay ku guuleysteen koobkii PL-ka, iyagoo xilli ciyaareedkii hore xilligan oo kale ka ordayay iney hoos u noqdaan, sidaas oo kale Atletico Madrid waxa uu gaaray guulo waaweyn kadib markii uu iska xaadiriyay finalka koobka ugu qaalisan Dunida ee Champions Leage, iyagoo waliba dhulka soo dhigay labadii naadi ee adduunka ugu awoodda badnaa ee Barcelona iyo Bayern Munich.

Hadaba waxaa muuqatay meelo ay iska shabahaan labadan naadi oo mid kastaaba uu horyaalka uu ka ciyaaro arrin mucjiso lagu tilmaamay ka dhigaya.

Hantida iyo lacagaha u soo xarootay

1

Naadiyada waaweyn waxay bixiyaan hanta farabadan, waxaa soo gala dakhli farabadan, laakiin Atletico Madrid iyo Leicster City midna kuma jiro naadiyada lacagaha faraha badan kharaj gareeya, Laicester City waxaa soo galay 104.4 malyuun oo gini, halka Atletico uu soo galay 142.3 milyan oo gini, markii loo barbar dhigo naadiyada Yurub ugu tunka weyn Atletico Madrid waxay soo galeysaa kaalinta 15aad naadiyada ugu hantida badan, halka Leicester aaney soo galeyn xitaa 20 ka ugu horreya.

Sirtu Guushu waa (1:0)

2

Maaha oo kaliya inaad ku guuleysato goolal farabadan ciyaar kastana ay awoodaadu sareyso, labadan naadi ayaa ciyaarahooda inta badan ku guuleystay 1:0, iyadoo Leicester City ay guul 1:0 ku gaartay 7 ciyaarood iyadoo arrinkaa kala siman Man United iyo west Bromwich, iyadoo Atletico ay hoggaamineyso dhanka Lagiga natiijada ciyaarta lagu badiyo 1:0, iyadoo guul ku gaartay 10 kulan.

Kubad Haysashada

Kubad haysashadu waxay ka mid tahay sababaha guusha lagu gaaro, laakiin labadan garoon ee kala ah King Power iyo  Vicente Calderon aan laga aqoon kubad haysashada faraha badan, isku celcelis kubad haysasha Leicester City %42.34, halka Atletico Madrid kubad haysashadeedu ay gaareyso %48.49 xilli ciyaareedka oo dhan.

3

Taatikada Labada Naadi  

Labadan naadi ee Atletico Madrid iyo Leicester City ayaa ku ciyaarayay taktikada 4-4-2, labada naadi marna kumay dhanqmin taagtikada 4-2-3-1 oo inta badan naadiyadu ay isticmaalaan.

Goolasha laga Dhaliyay iyo Difaac Labada Naadi

4

Atletico ayaa dhalisay 60 gool dhanka horyaalka Spain, halka Laicester City ay dhalisay iyaduna 67 gool, labadan naadi ayaan dhalin goolaal aad u farabadan laakiin waxaa usooro gashay iney shabaqooda ilaashadaan si aan goolala farabadan looga dhalin.

Atletico Madrid ayaa laga dhaliyay 16 gool oo kaliya 36 kulan oo ay ciyaartay, iyadoo 23 kulan shabaqooda ilaashaday, waana kooxa ugu wanaagsan Laliga ee shabaqeeda ilaashatay.

Leicester City ayaa laga dhaliyay 35 gool 37 kulan oo ay ciyaartay waana kooxda sadexaad ee ugu digaaca wanaagsan horyaalka Ingiriiska, waxaan naadigani uu shabaqiisa ilaashaday 15 kulan oo aan wax gool ah laga dhalin isagoo halkaa kaalinta 4aad kaga jira oo 3 kooxood oo kaliya ay ka wanaagsan yihiin.

 

 


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...