Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, gudaha dalkeedana laga soo saaray, diyaaraddan ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa dhanka dabdamiska keymaha iyo howlaha badbaadinta dhanka badda iyadoo loo adeegsado waliba gaadiid ahaan iyo daadgureynta gurmadka.
Diyaaraddan ayaa magaceeda la yiraahdaa AG-600 waxay leedahay afar matoor, culeyskeeda ugu badan ee marka ay duuleyso waxa uu gaaraa 50 tan.
Diyaaradda ayaa duuli karta masaafo gaaraysa illaa 5 kun oo kiiloomitir, iyadoo ku duldagi karta si toos ah biyaha dushooda.