daarasho-somaliland

Jawaab aan Shaafi Ahayn oo ay Sheegeen Qoyska Hoodo, Ma Markii Ugu Horreysay ee Gabadh la Meher Xadaabaa, Maxaa Lagu Haystaa Barkhad?

Xasan Cabdi Rooble oo u hadlay qoyskii aabaha Hoodo Mukhtaar Yuusuf Faarax ayaa ku andacooday in waxyaabaha lagu eedeeyay ay yihiin waxba kama jiraan isla markaana diinta Islamaaka la hareer maray

“Nin Somalilander ah oo gurigiisii loo ganacan dhaafay oo gabadhiisii lagala baxay oo reerkiisii isagoo nabad ugu dhaqan iyadoon diin islaam la xeerin oon dhaqan la xeerin oo dadnimo kale la xeerin oon cadaalad la xeerinin loo dhaafay gurigiisii oo gabadhiisii inta lala tagay oo lagala baxay oo khalaawo lala galay ee sharcigii islaamka ee noo banneeyay inaan guryaha dadka kale la galin illa idan laga qaato mooyaane ee lagu soo noqday ee la yiri noo hibee oo noogu ducee, ninkaas bal waxa laga cabanayo ayaan la ayaabay ee la leeyahay Gaalo ayaad hablihiinna siisaan reer hebal haddaad tihiin annagana diin naguma siineysaan”, ayuu yiri Xasan Cabdi Rooble.

Ma Markii ugu Horreysay ee Gabadh La Meher Xadaabaa

Hadaba waxaa is weydiin leh, haddiiba sida uu sheegayo ay dhab tahay ee gabadha la meher xaday ma markii ugu horreysay ee gabadh la meher xadaabaa, miyaanuu ogeyn in masaafada mad’habka Imaamu shaafici uu banneeyay, ma dhici kartaa in Xasan Cabdi Rooble uu isaguba horey u meher xaday, maxaayeelay Soomaalidu meher xadka aad ayay u yaqaannaan wax dhibaato ahna malaha maadama mad’habta Shaaficiyaddu ay sidaa qabto, in kasatoo la ogyahay in markastaa ay habboon tahay in sida saxda ah la maro.

Wayba dhacday sida uu sheegayo oo aan u raacno hadalkiisa in gabadha la meher xaday ma in la jirdilaabaa oo sida aadanaha ka baxsan loola dhaqmaabaa, mise dadkii samaha u socday ee illaa waa dhalinyaro waxa is meher xadaye in la bakooradeeyaa, waa sida ku dhacday aabaha wiilka oo markii uu isku dayay inuu saxo khaladka wiilkiisa cay, xaqiraad iyo dilmo la iskugu daray.

Waxa la isku hayaa maaha meher xad ee waa baroortu orgiga ka weyn? Waa midab ka lasooc waa takoor, haddii wiil kale uu sidaa sameyn lahaa ducuu ugu dari lahaa, maxaayeelay? Marwalba gabadhi waxay u joogtaa waa nin!

Maxaa Lagu Haystaa Barkhad Jaamac

Waxaa taa ka sii daran waxa uu weerar afka ah ku qaaday Barkhad Jaamac Xirsi oo ah halgamaa ka soo jeeda beelaha Gabooye una guntaday sidii looga bixi lahaa dulmiga , sinnaan iyo horumarna ay u tiigsan lahaayeen Guud ahaan shacabka Soomaliland, waa arrin iska caadi ah in marka uu qofi xaqa isku taago dadku ay cadow ku wada noqdaan.

Si kastaba, waxaa caddaan ah in jaahilyaddu ay si weyn ugu dambeynso Somaliland, inkasta cunsuriyaddu ay ka jirto meel kasta oo ay Soomaali dagto ayaa hadana waxay ku sii xooggan tahay Somaliland.

Gabooyaha News


Shabakada Gabooyaha.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay iyo Barnaamijyo Xiiso Badan

Nagala Soo Xiriir E-mail Gabooyaha@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (Fikirkaagu Waa Muhiim) (0)




DUNIDA

xayawaan badeedka Dalka Ruushka: Xayawaanka Badda Qaarkood oo Loo Tababarayo Askarinimo (Muuqaal)
- May 7, 2017
Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle ...
1-183 Da’deedu Waa 98 jir, Dadka Ka Farcamayna Waa 150 Ruux, Waxayna Taageero u Tahay Koox Caan ah oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska!!!
- Apr 23, 2017
Margaret Howarth waa ayeeyo da'deedu ay sii cagacageynayso 97 jir, waxay sheegtay iney leedahay ...
61-191738-turkey-shorter-woman_700x400-400x229 Haweenaydii Ugu Gaabneyd iyo Tii Ugu Dheerayd Adduunka oo ka Qeybgalay Aftidii Dastuurka ee Dalka Turkiga
- Apr 18, 2017
Aftidii dastuurka ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay arrimo badan oo cajiib ...
oday1 Muuqaal: Oday 125 jir ah oo muddo 100 sano ah aan Ka Faaruqin Kacbada!!
- Apr 2, 2017
Dadka baraha bulshada adeegsada ayaa waxay isla dhexmarayeen muuqaal laga soo duubay oday waayeel ...
edwin Afhayeenka Dowladda Ingiriiska Ee Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo Si Weyn Ula Dhacsan Eedaanka Salaadda (Muuqaal)
- Nov 8, 2016
Afhayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika  Edwin Samuel ayaa bartiisa Twitterka ...
sirta-dumarka 7 Sir oo aaney Xaaskaagu Kuu Sheegayn Waligeed-Qeyb ka Daalaco Sanduuqa Siraha Dumarka
- Sep 18, 2016
Si kasta oo aad u tanah nin caqli badan u dadaal badan waxaad ogaataa ...
maydhasho Maydhashada Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?
- Sep 15, 2016
Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka ...
cua-da Layaab: Gabadh aad u Foolxun ayuu Kasoo Saaray Geenyo; Kadibna Wuu Guursaday!!! + Sawirro
- Aug 11, 2016
Dumarku waxay jecel yihiin markay kasoo baxaan saalada qalliinka is qurxinta iney arkaan wajigooda ...
tareen Qoortuu ka Dhiibtay Tarreenkii uu la Socday, kadibna Wuu Is Waayay…. Dhacdo Naxdin leh oo Ka Dhacday dalka Ingiriiska
- Aug 9, 2016
Nin ayaa ku geeriyooday dhacdo waddo caasimadda Ingiriiska ee London, kadib markii uu qoortiisa ...
qof1 Qofkii Ugu Horreeyay ee Dunida oo Sugaya in Qalliin Lagu Bedalo Madaxiisa(Sawirro)
- Aug 8, 2016
Suurtogal matahay in madax lagu tallaalo shakhsi kale? September tan soo socota ayaa suurtogal ...
flying car Gawaadhida Duusha oo Goordhow Suuqyada Caalamka Soo Galeysa, Cajiib!! , (Daawo)
- Aug 7, 2016
Suurtogal waxaa ah in wakhti dhow dunida laga soo saaro baabuurta duusha ee loo ...
dallad Shakhsigii Ugu Horreeyay Dunida ee kasoo Booda Sareyn Dhan 25 kun oo Feet Isagoo Dallad la’aan ah!! (Muuqaal)
- Aug 1, 2016
Shakhsi naftii hure ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana yiraahdo Luc Eakins ayaa ...
shabeel Muuqaal Toos ah : Haweenay uu Shabeel Ku Qaatay Dalka……
- Jul 27, 2016
Haweenaydan ayaa gaarigii ay wadatay kasoo dagtay si lama filaan ah iyadoo isku dayaysay ...
diyaarad Diyaaradda Barri Biyoodka ah ee Dunida Ugu Weyn
- Jul 24, 2016
Dalka Shiinaha ayaa daaha ka rogay diyaaradda ugu weyn dunida ee barri biyoodka ah, ...
mucjiso Ku Ogow Mucjisada Nolosha 4 Daqiiqo Gudaheed (MUUQAAL)
- Jul 24, 2016
Noloshu waa hibo Illaahay ina siiyayay, waa hadiyadda ugu weyn ee la bixiyo, waa ...